Manchester City ayaa maanta oo Axad ah bilaabaya ololihiisa Premier League-ga xilli ciyaareedka 2026/27, iyadoo Etihad Stadium ay ku soo dhaweynayso Bournemouth, kulankan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah City maadaama kooxdu ay gashay xilli cusub kadib bixitaankii Pep Guardiola, kaasoo kooxda hoggaaminayay muddo 10 sano ah, Waxaa xilka loo dhiibay tababare Enzo Maresca, kaasoo wajahaya shaqo culus oo ah inuu sii wado guulihii iyo qaab ciyaareedkii City.
Maresca ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ku bilaabay guuldarro, kaddib markii Manchester City 3-0 looga adkaaday Arsenal Community Shield, sidaas darteed kulanka Bournemouth wuxuu fursad u yahay tababaraha Talyaaniga inuu helo guushiisii ugu horreysay ee tartan rasmi ah.
Bournemouth-na waxay iyaguna bilaabayaan xilli cusub, iyadoo Marco Rose uu beddelay Andoni Iraola. Labada kooxood kulankoodii ugu dambeeyay ee Vitality Stadium waxay ku kala baxeen 1-1, natiijadaas oo soo afjartay rajadii Manchester City ee hanashada Premier League-ga 2025/26.
Waqtiga ciyaarta
Manchester City iyo Bournemouth waxay ciyaarayaan 2:00 duhurnimo waqtiga UK, taasoo ku beegan 4:00 galabnimo waqtiga Soomaaliya iyo Kenya maanta oo Axad ah, 23-ka Agoosto.
Halkee laga daawanayaa?
Ciyaarta waxaa si toos ah looga daawan karaa Somalifantasy.com , halka gudaha UK laga baahinayo Sky Sports.
Jeremy Doku ayaa dhaawac muruqa kubka ah ku dhaawacmay kulankii Arsenal, waxaana la filayaa inuu maqnaado ilaa saddex toddobaad.
Jack Grealish ayaa beddelay Doku, waxaana suuragal ah inuu kulankan kusoo bilowdo garabka bidix. Antoine Semenyo, oo hore Bournemouth uga tirsanaa, ayaa la filayaa inuu ka ciyaaro garabka kale.
Matheus Nunes, oo dhaawac yar qabay, ayaa dib u helay fursad uu ku ciyaaro, dhanka kale, Savinho ayaa loo oggolaaday inuu maro baaritaanka caafimaadka kahor inta uusan u dhaqaaqin Tottenham.
Bournemouth waxaa ka maqnaanaya weeraryahanka Eli Junior Kroupi, kaasoo dhaawac cagta ah ku seegaya bilihii ugu horreeyay xilli ciyaareedka.
Julian Araujo iyo Amine Adli sidoo kale dhaawacyo ayay qabaan, halka Ryan Christie uu weli ku jiro ganaax.
Dhanka wanaagsan, Tyler Adams ayaa kusoo laabtay tababarka, waxaana la xaqiijiyay inuu ciyaari karo qiyaastii 45 ilaa 60 daqiiqo.
Daafaca dhexe Antonio Silva, oo Benfica uga yimid £25 milyan, ayaa la filayaa inuu kulankan safto kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League.
Be the first to comment