Taageerayaasha kooxda Atlético Madrid ayaa si adag uga falceliyay xiddiga reer Argentina Julián Álvarez, intii lagu guda jiray kulanka ay kooxdu la ciyaarayso Villarreal ee La Liga xilli ciyaareedka 2026/27.
Kulanka ayaa ka dhacaya garoonka Metropolitano Stadium, iyadoo Atlético Madrid ay ciyaareyso kulankeeda labaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.
Álvarez ayaa kulankan ku bilowday kursiga keydka, kadib markii uu seegay kulankii furitaanka ee Atlético Madrid ay la ciyaartay Málaga, sababo la xiriira inuusan weli si buuxda ugu diyaar garoobin ciyaarta.
Laakiin waxa ugu weyn ee kulankan laga hadlayo ayaa ah falcelinta taageerayaasha Atlético Madrid ee ku aaddan Álvarez.
Markii magaca Julián Álvarez lagu dhawaaqay iyadoo la soo bandhigayo magacyada ciyaartoyda keydka, taageerayaasha Atlético Madrid ayaa si xooggan ugu jawaabay huursi iyo foodhi, falcelintan ayaa timid xilli uu cirka isku shareeray muranka ku saabsan mustaqbalka xiddiga reer Argentina.
Álvarez ayaa lala xiriirinayaa inuu doonayo inuu ka tago Atlético Madrid, iyadoo Barcelona lagu xamanayo inay danaynayso saxiixiisa.
Dhanka kale, Atlético Madrid ayaa si cad u muujisay inaysan doonayn inay si fudud ku fasaxdo xiddigeeda, iyadoo kooxda ay ku adkeysanayso in mustaqbalka ciyaaryahanka uusan ahayn arrin sahlan, sidaas darteed, marka magaca Álvarez lagu dhawaaqay garoonka, taageerayaashu waxay muujiyeen caro iyo niyad-jab, taasoo muujinaysa sida uu muranka mustaqbalka ciyaaryahanku u saameeyay xiriirka ka dhexeeya xiddiga iyo taageerayaasha.
Waxaa hadda indhaha lagu hayaa waxa dhici doona haddii Álvarez uu kulanka soo galo, iyo sida taageerayaasha Atlético Madrid uga falcelin doonaan.
Ma sii joogi doonaa Julián Álvarez mise wuxuu u dhaqaaqi doonaa Barcelona? Jawaabta ayaa noqon karta mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn suuqa kala iibsiga.
Así recibieron a Julián Álvarez los hinchas del Atlético de Madrid en el Metropolitano 👀 pic.twitter.com/KBTLd83oEs
— Veronica Brunati (@verobrunati) August 23, 2026
Be the first to comment