Kooxda Arsenal ayaa si cajiib ah ku billowday difaacashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2026/27, kadib markii ay 3-0 ku garaacday Coventry City kulan ka dhacay garoonka Emirates Stadium.
Wiilasha tababare Mikel Arteta ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah, iyagoo si buuxda u maamulay kulanka isla markaana xaqiijiyay saddexdii dhibcood ee ugu horreysay xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 15-aad markii Kai Havertz uu shabaqa gaaray, isagoo ka faa’iideystay qalad ay sameeyeen daafacyada Coventry City iyo baas wanaagsan oo uu ka helay Riccardo Calafiori.
Sideed daqiiqo kaddib, Bukayo Saka ayaa laba jibbaarey natiijada, isagoo si degdeg ah uga faa’iideystay kubad uu goolhayaha Coventry dib u celiyay.
Bilowgii qeybta labaad, kabtanka kooxda Martin Ødegaard ayaa dhaliyay goolka saddexaad daqiiqaddii 49-aad, taasoo meesha ka saartay rajadii Coventry City ee soo laabashada kulanka, Arsenal ayaa intii ka harsaneyd ciyaarta si deggan u maamushay kubadda ilaa ay ka xaqiijisay guul nadiif ah.
Guushan ayaa Arsenal siisay 3-dii dhibcood ee ugu horreysay ee ololaha difaacashada horyaalka, iyadoo kooxda Arteta ay fariin xooggan u dirtay kooxaha kula tartamaya Premier League, Sidoo kale, Kai Havertz ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan, halka Bukayo Saka iyo Martin Ødegaard ay mar kale muujiyeen muhiimadda ay u leeyihiin kooxda difaacaneysa horyaalka Ingiriiska.
Be the first to comment