Barcelona ayaa caawa bilaabaysa ololaheeda La Liga 2026/27, iyadoo marti u noqonaysa Elche. Kooxda Catalan-ka ah ayaa xilli ciyaareedka cusub ku bilaabanaysa hadaf cad oo ah inay difaacato horyaalka Spain, iyadoo Real Madrid loo arko kooxda ugu weyn ee kula tartami karta.
Barcelona ayaa kulankan u aragta fursad ay si wanaagsan ugu furato xilli ciyaareedka cusub, kooxdu waxay doonaysaa inay mar kale sare ka noqoto La Liga, waxaana kulanka Elche muhiim u noqon doona sidii ay saddexda dhibcood ugu bilaabi lahayd difaaca horyaalka.
Elche, dhankeeda, waxay isku dayi doontaa inay ka faa’iidaysato ciyaarta gurigeeda iyo cadaadiska saaran Barcelona.
Flick ayaa Barcelona ku hoggaamiyay laba horyaal oo La Liga ah oo xiriir ah, waxaana xilli ciyaareedkan uu doonayaa inuu mar kale ka hor istaago Real Madrid inay horyaalka la wareegto.
Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkan waxaa hoggaaminaya José Mourinho, taasoo ka dhigaysa tartanka labada kooxood mid si gaar ah loo sugayo.
Barcelona oo xagaagan isbeddel samaysay
Barcelona ayaa suuqa kala iibsiga xagaagan sameysay saxiixyo dhowr ah, iyadoo kooxda lagu soo kordhiyay ciyaartoy ay ka mid yihiin:
- Rodri
- Peseiro
- Anthony Gordon
- Karim Adeyemi
- João Cancelo
Sidoo kale, Barcelona waxay kooxda koowaad usoo dallacsiisay weeraryahanka reer Masar Hamza Abdelkarim, kaasoo xilli ciyaareedkii diyaar-garowga si weyn u iftiimay.
Hamza ayaa dhaliyay 4 gool kulamadii saaxiibtinimo ee preseason-ka, waxaana lagu wadaa inuu fursad weyn helo xilli ciyaareedkan.
⭐Shaxda la filayo ee Barcelona
Goolhaye:
Juan Garcia
Difaaca:
Eric Garcia, Koundé, Gerard Martín, Balde
Khadka dhexe:
Pedri, Bernal
Khadka weerarka:
Lamine Yamal, Fermín López, Raphinha
Weerarka:
Hamza Abdelkarim
Elche vs Barcelona – kulanka ugu weyn
Indhaha taageerayaasha kubadda cagta Spain ayaa caawa ku jeeda Elche vs Barcelona. Barcelona waxay doonaysaa inay si xooggan u bilowdo difaaca horyaalka, halka Elche ay isku dayayso inay ka faa’iidaysato garoonkeeda iyo taageerayaasheeda.
Kulankan ayaa sidoo kale noqonaya tijaabadii ugu horreysay ee Barcelona ee La Liga xilli ciyaareedkan, waxaana saddexda dhibcood ay muhiim u yihiin kooxda haddii ay doonayso inay mar kale hanato horyaalka.

🏆 Atletico Madrid vs Villarreal
Kulanka kale ee xiisaha leh maanta waa Atletico Madrid vs Villarreal.
Atletico ayaa xilli ciyaareedka ku bilowday guul wanaagsan oo 2-0 ah oo ay ka gaartay Malaga, waxayna doonaysaa inay guusheedii labaad oo xiriir ah hesho.
Villarreal ayaa kulankeedii koowaad barbaro 2-2 ah la gashay Racing Santander, waxaana ay rajaynaysaa inay caasimadda Spain ka soo qaadato natiijo wanaagsan.
Saadaasha: Atletico Madrid 2-1 Villarreal.
⚽ Getafe vs Racing Santander
Getafe ayaa garoonkeeda ku qaabilaysa Racing Santander.
Getafe ayaa kulankeedii furitaanka si xun ku bilaabatay, iyadoo 3-0 looga adkaaday Alaves, halka Racing Santander ay 2-2 barbaro la gashay Villarreal.
Racing ayaa bandhig wanaagsan sameysay kulankii hore, waxaana la filayaa inay Getafe dhibaato ku keento.
Saadaasha: Getafe 1-1 Racing Santander.
Be the first to comment