Miyay Walker Iyo Stones Diyaar U Noqon Doonaan Kulanka Arsenal? Guardiola Ayaa Ka Jawaabay

Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee kooxdiisa ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.

Kooxda Pep Guardiola ayaa isku diyaarinaysa in ay marti galiso kooxda Hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ah mid ay xiddigo badan ka maqnaayeen kooxda Man City iyada oo Guardiola la dhibaatoonayo dhaawacyo kala duwan.

Pep Guardiola: “Dhaawaca Kyle wuu ka adag yahay kan John, laakiin way maqnaan doonaan – ma garanayo inta kulan ee ay maqnaan doonaan”.

“Laakiin Manuel Akanji waxa uu 100% diyaar u noqon doonaa oo diyaar u noqon doona kulanka Arsenal”.

Warkan ayaa ah mid aad u xun marka loo eego in Stones iyo Walker ay muhiim ka yihiin kooxda Pep Guardiola.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga