Alexander-Arnold, Bremer, Olmo, Diaz & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Manchester United ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay u adeegsato weeraryahankeeda Mason Greenwood si uu qayb uga noqdo heshiiska ay ku doonayaan daafaca dhexe ee Juventus Gleison Bremer, kaasoo lagu qiimeeyo 51 milyan (Gazzetta dello Sport).

Laakiin xasilooni darada iyo dammaanad la’aanta Champions League ee Man Utd ayaa ka dhigtay Bremer inuusan hubin inuu u dhaqaaqayo, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu doorbidayo inuu u wareego Liverpool (Alfredo Pedulla).

Man Utd ayaa aad u dooneysa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Tottenham Hotspur Micky van de Ven hadii fursada ay soo baxdo xagaagan (Tottenham News).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee RB Leipzig Dani Olmo ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo Yurub ah. Chelsea, Man Utd, Man City, Tottenham iyo Real Madrid ayaa dhamaantood isha ku haya xiddiga heerka caalami ee dalka Spain kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 52 milyan (Mail).

Real Madrid ayaa meesha ka saartay inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Liverpool Luis Diaz, iyadoo ilo-wareedyo kooxdu ay aaminsan yihiin inuu heshiisku yahay “mid aan macquul ahayn”(Defensa Central).

Liverpool ayaa uga digtay Real Madrid inay bixiso €100m Oo euro hadii ay doonayso saxiixiisa Trent Alexander-Arnold (Defensa Central).

Barcelona ayaa laga yaabaa inay waydo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Bayern Munich Joshua Kimmich ka dib markii Man Utd ay ku soo biirtay tartanka saxiixiisa (SPORT).

Daafaca dhexe ee kooxda Juventus Dean Huijsen ayaa soo jiitay indhaha xilli uu amaah kula joogay Roma, waxaana haatan doonaya Liverpool, Borussia Dortmund iyo RB Leipzig. (Gazzetta dello Sport).

Liverpool ayaa isha ku haysa tababaraha kooxda Spotting Lisbon ee Ruben Amorim iyo tababaraha Brighton ee Roberto Dizerbi (Telegraph).

Wakiilada Manchester United ayaa u aaday Spain si ay u ogaadaan bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga, 34 jirka weerarka uga ciyaara Spain Joselu, kaasoo amaah ugu jooga Real Madrid kana yimid Espanyol ayaa ka mid ah magacyada liiska ku jira (Relevo).

United ayaa ku qasbanaan doonta in ay ugu yaraan 60m euros hadii ay doonayso oo u ciyaara Juventus (Gazzetta dello Sport).

 

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga