DEG-DEG: Xabi Alonso Oo Xaqiijiyay Kooxda Uu Hogaamin Doono Xilli Ciyaareedka Dambe.

Tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa shaaciyay in uu sii joogi doono Bayer Leverkusen wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Alonso ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Bayern Munich Iyo Liverpool kuwaas oo doonaya in ay ku badalaan Tuchel iyo Klopp.

Labada kooxood ayaa tartan adag ugu jiray saxiixa tababaraha wacdaraha ka dhigaya kooxda ka ciyaarta horyaalka Bundesliga.

Laakiin Xabi ayaa go’aansaday in uu sii joogo kooxdiisa haatan wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

“Waxaan kulan wanaagsan la qaatay Bayer Leverkusen, waxaanan ku wargeliyay inaan sii joogi doono kooxda.”

“Kadib wadahadalo badan oo ku saabsan mustaqbalkayga, waxaan isticmaalay nasashada si aan uga fikiro oo aan u gaaro go’aankeyga.”

“Tani waa meesha aan aniga ahaan lahaa”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga