Mikel Arteta Oo Magacaabay Xiddig Ka Dhaawacmay Kooxdiisa Kulankii Nottingham Forest.

Mikel Arteta ayaa shaaca ka qaaday in Gabriel Jesus uu xanuun baabiye ku ciyaaray kulankii ay Arsenal ka badisay kooxda Nottingham Forest.

Gabriel Jesus ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulankii ay kooxda Arsenal ka badisay kooxda Nottingham Forest.

Laakiin xiddiga ayaa ciyaaray kulanka isaga oo dhaawac dareemaya sida uu xaqiijiyay tababaraha Arsenal kadib kulankii Nottingham Forest.

“Jesus waxa uu ku ciyaaray kulankii 2 malin ka hor”ayuu Arteta ku bilaabay.

“Waxa uu xanuun ka dareemayay jilibka waxana uu adeegsaday xanuun baabiye”ayuu sii raaciyay.

“Ma garanayo, waxa uu la kulmay jug kulankii ugu dambeeyay waxana uu xanuun ka dareemay jilibkii qaliinka looga sameeyay”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay markii la waydiiyay hadii uu dhaawaciisu halis yahay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga