Liverpool Oo Xasuuqday Chelsea Xilli Badalka Arnold Wacdaro Dhigay.

Kooxda Liverpool ayaa xasuuqday Chelsea kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay Anfield.

Reds aya ahayd kooxda fiican guud ahaan ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa chelsea.

Daqiiqadii 23-aad ayay Liverpoold dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Jota kaas oo si cajiib ah u dhaliyay goolka.

Waxa goolka 2-aad u dhaliyay Liverpool xiddiga da’yarka ah ee Conor Bradley kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ahayd kooxda ku fiican dhinac kasta.

Qaybta dambe ayay Liverpool ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga doonayay in ay dhaliyaan goolal kale.

Daqiiqadii 65-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dominik Szoboslai kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Laakiin chelsea ayaa daqiiqadii 71-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Christopher Nkunku kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa daqiiqadii 79-aad dishay ciyaarta waxana gool u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa xusid mudan in xiddiga Conor Bradley uu caawiyay 2 gool sidoo kale dhaliyay gool waxana uu muujiyay in uu la tartami karo xiddiga Trent Alexander-Arnold.

Waxa sidaas ku dhamatay ciyaarta oo ay Liverpool xasuuqday chelsea kuna xumaysay xaalka kooxda chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga