XASAASI: Tababaraha Cusub Ee Liverpool Oo Si Qish Ah Loo Ogaaday.

Liverpool ayaa Si maldahan u sheegtay cida noqon doonta badalka Jurgen Klopp ee Kooxda.

Jimcihii Klopp ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer Jarmal ayaa sharaxay inuu u baahan yahay inuu ka tago kooxda ka dib sagaal sano oo hogaaminayay kooxda maadaama uu ” tamar la’aan yahay.”

Klopp ayaan ahayn shaqsiga kaliya ee ka tagaya Liverpool maadama ay dhamaan shaqaalaha tababarka iyo waliba agaasimayayaasha kooxdu ka tagayaan kooxda.

Haatan baacsiga ay Liverpool ugu jirto agaasime cusub ayaa maldahan u sheegay tababaraha Klopp ka badali doona kursiga kaydka ee kooxda.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Agaasimaha West Ham ee Tim Steidten ayaa ah qofka ugu cad-cad in uu noqdo agaasimaha cusub ee kooxda.

Hadii agaasime Steiden noqdo agaasimaha kooxda Liverpool waxa ay cadayn u tahay in uu Xabi Alonso noqon doono tababaraha cusub ee Liverpool.

Steiden ayaa horay uga shaqayn jiray kooxda Leverkusen waxana uu ahaa shaqsigii masuulka ka ahaa in uu Xabi Alonso noqdo tababaraha cusub ee kooxda reer Germany.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga