Mbappe Oo La Xaqiijiyay Horyaalka Uu Ka Ciyaari Doono.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni ayaa ka dhawaajiyay in Kylian Mbappe uu ku biiri doono kooxda reer Spain xagaagan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu noqdo wakiil xor ah marka uu qandaraaskiisa Paris Saint-Germain dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mbappe ayaa todobadii sano ee ugu dambeeyay ku qaatay caasimada France, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday In uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda reer France.

Iyadoo Real Madrid la sheegay inay ku jirto booska ugu fiican, 25-sano jirkaan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayuu biyo qabow ku shubay wararkaas xanta ah, isagoo ku qoslaya soo jeedinta taageere Arsenal ah ee ah inuu ku biiro kooxda Waqooyiga London.

Tchouameni ayaa sii xoojiyay wararka xiddiga la xidhiidhinaya kooxda Real Madrid isaga oo sheegay saaxiibkiisu in uu ku biiri doono Santiago Bernabeu xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa aaminsan in taageerayaasha Spain ay qadarin doonaan tayada buuxda ee Mbappe marka uu ka ciyaaro La Liga.

Wareysi uu siiyay Telefoot, Tchouameni ayaa yiri: “Spain waxa ay ogaan doonaan Mbappe in uu yahay xiddig tayo leh”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga