DEG-DEG: Xiddig Man United U Ciyaara Oo Ku Dhaawacmay Waajibaadka Xulkiisa Qaranka.

Man United ayaa war xun ka heshay dhaawac xiddiga daafaca uga ciyaara xulka England ee Harry Maguire.

Maguire ayaa isaga baxay waajibaadka xulka qarankiisa kadib dhaawac soo gaadhay.

Maguire ayaa laga saaray bartamihii qeybtii labaad ee kulankii ay England guuldarada 1-0 ah ka soo gaartay Brazil shalay, waxaana maanta lagu sameeyay baaritaan.

Ciyaartoydii hore ee Leicester waxa lagu badalay xiddiga Lewis Dunk kaas oo dhamaystay ciyaarta.

Laakiin Maguire ayaa laga saaray kulanka saaxiibtinimo ee Salaasada ay la ciyaari doonaan xulka Belguim.

Erik Ten Hag ayaa ka wal-walaya xaalada daafaciisa ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Brentford kadib fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga