Bayern Munich Oo War Fiican Ka Heshay Tababaraha Ka Hor Kulanka Arsenal.

Goolhaye Manuel Neuer ayaa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka lugta hore ee Bayern Munich ay ku wajihi doonto Arsenal bisha soo socota ee Champions League.

37 jirkaan ayaa dhawaan ku soo laabtay Bayern ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa isagoo tababar la qaadanayay xulka Germany todobaadkii hore.

Maqnaanshaha Neuer ayaa fursad u siisay goolhayaha Barcelona Marc-Andre ter Stegen inuu ka soo dhex muuqdo boosaska kulankii ay 2-0 kaga badiyeen France sabtidii.

Natiijadii dhaawaca Neuer, waxaa jiray xoogaa walaac ah in uuna diyaar u noqon doonin kulanka Arsenal ee lugta hore ee champions League 9 April.

Tababaraha Germany Julian Nagelsmann ayaa u muuqday mid meesha ka saaray cabsidaas, isagoo ku adkeystay in Neuer uu maqnaan doono kaliya muddo gaaban, islamarkaana uu weli yahay goolhayaha koowaad.

“Kaliya waa jeex muruqa ah”Nagelsmann ayaa u sheegay suxufiyiinta.

“Ma maqnaan doono muddo sideed bilood ah. Markaa, anigu ma beddelo fikradayda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga