WARBIXIN: Sane, Neto & 5 Xiddig Oo Ay Liverpool Ku Badali Karto Mohamed Salah.

Wakhtiga Mohamed Salah ee Liverpool ayaa dhamaan doona dhawaan. Ha ahaato xagaagan ama kan soo socda, kooxdu waa inay u diyaargarowdaa Bixitaanka xiddiga reer Masar.

Warbixintan waxa aan ku eegaynaa 5 xiddig oo ay Liverpool u dhaqaaqi karto si ay ugu buuxiso booska Mohamed Salah.

Leroy Sane

28-sano jirkaan ayaa dhowr xilli ciyaareed wanagsan ku soo qaatay Man City halkaas oo uu ku gaadhay min 10 gool iyo 10 caawin laba xilli ciyaareed.

Sane ayaa ku soo laabtay Bundesliga sanadka 2020 ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii ACL, waxaana tan iyo markaas uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Waxa uu la mid yahay xiddigaha ugu fiican marka la bar-bar dhigo qaab ciyaareedkiisa waxana uu heshiiskiisa Bayern Munich dhici doonaa sanadka 2025.

Maxamed Kudus

Ciyaaryahanka reer Ghana ayaa is baray taageerayaasha Premier League tan iyo markii uu yimid West Ham xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 6 gool oo horyaalka ah isagoo dhaliyay 3 Europa League iyo 1 Carabao Cup.

Kudus kaliya waa 23 laakiin tayada ayaa aad u cad in la arko. Si ka duwan saaxiibkiis Ajax ee Antony, kaasoo ku dhibaatooday premier League Heerka shaqadiisa si cajiib ah.

Xiddiga reer Ghana ayaa lagu qiimeeyaa 50 milyan oo euro sida laga soo xigtay Transfermarkt.com laakiin Hammers way adkaan doontaa in wax laga soo iibsado, marka loo eego qaab ciyaareedkiisa oo kor u sii kacaya

Michael Olise

Olise waa mid ka mid ah da’yarta ugu xiisaha badan Premier League isagoo leh heerka ugu badan ee gambiska horyaalka.

dhaawaciisa muruqa ayaa ahaa dhibaato waxana uu dhawaan ku maqnaa 2 bilood dhaawac muruqa ah, waxa uu haatanba seegay 13 kulan horaantii xilli ciyaareedkan sababo la xiriira dhaawac muruqa ah sidaas darteed waxa ay noqon kartaa wax ay Liverpool ka fikirto.

Marka uu ugu fican yahay, Olise waa kubbad qaade aad u fiican waxana uu leeyahay awood uu ku abuuri karo fursado cajiib ah.

Raphinha

Garabka reer Brazil Raphinha ayaa dhowr xilli ciyaareed oo cajiib ah ku qaatay Leeds wuxuuna dhaliyay 11 gool xilli ciyaareedkii 2021/22, taasoo ku mutaystay inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Xili ciyaareed kan Raphinha ayaa dhaliyay 3 gool wuxuuna caawiyay 6 gool tartamada oo dhan laakiin waxaa hareeyay dhaawacyo muruqa ah. Waxa uu seegay 4 kulan bishii October waxana uu seegay 8 kale bishii la soo dhaafay sababo la xidhiidha dhaawac muruqa ah.

Pedro Neto

Neto ayaa ah awooda ka danbeysa xilli ciyaareedka Wolves ilaa haatan waxana uu ku jiraa kaalinta 3-aad ee shaxda caawinta ee premier League xilli ciyaareedkan.

Neto waa xiddig awood u leh abuurista fursadaha waxana ay arintaas dhibaato ku tahay daafacyada ka hor yimaada

Qiimihiisa, sida laga soo xigtay Transfermarkt.com, waa kan ugu hooseeya liiskan waana ka jaban yahay xiddigaha kale.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga