Mauricio Pochettino: Halkan Arin Ayaa Sabab U Ahayd Guuldaradii Naga Soo Gaadhay Liverpool.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Liverpool Final-kii Carabao Cup-ka.

Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool Kulan ka dhacay Wembley kana tirsanaa final-ka Carabao Cup-ka.

Pochettino ayaa dhamaystir la’aanta fursadaha ku sababeeyay in kooxdiisa laga badiyo kulankii ka dhacay Wembley.

“Waxaan u baahanahay inaan qaadno waxyaabo wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan riixno, u isticmaalno ciyaarta noocaan ah si aan u barano oo aan u fiicnaano”.

“Waxay ila tahay in aanu tartanay hadii aanad dhalin fursadaha aad hesho way adkaanaysa in aad badiso final-ka”.

“Taasi waa sababta, final-kii nalooga adkaaday, waxaan u baahanahay inaan dhamaystirno fursadaha waana u hambalyeyneynaa Liverpool”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga