Klopp: Wixii Dhacay Waxa Ay Ahayd Waali, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay ku guulaysigii kooxdiisu ku guulaystay koobka Carabao cup-ka.

Liverpool ayaa 1/0 ku garaacday Chelsea kulan ka tirsanaa Final-ka tartanka Carabao cup-ka iyaga oo ku guulaystay koobka.

Gool uu dhaliyay Van Dijk ayaa ka caawiyay Liverpool in ay ku guulaysato koobka xilli ciyaareedkan.

Ciyaarta kadib Klopp ayaa ka hadlay natiijada waxana uu yidhi”Waxa dhacay waxa ay ahayd wax waalan”.

“Waxa aan haysanay xiddigo yar oo kooxda 1-aad ah iyo xiddigo buuxa oo Akademiyada ah”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka qayb ahaado kooxdan”ayuu sii raaciyay.

Klopp ayaa markii 2-aad ee taariikhdiisa ku hogaamiyay Liverpool ku guulaysiga koobka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga