Tababaraha Kooxda Liverpool ayaa ka hadlay qorshihii uu ku garaacay Chelsea wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta.
Klopp ayaa sameeyay badalo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee dheeriga ahayd iyada oo dad badan filayeen in ay chelsea badinayso.
Tababare Klopp ayaa soo galiyay xiddigo caruur ah una ciyaara kooxda da’yar xilli ay chelsea badal ku soo galinaysay xiddigo ku fadhiya lacag waali ah.
“Dadku waxaa laga yaabaa inay u maleeyeen inaan quustay markii aan carruurta keenay, laakiin maya, sababtoo ah waxaan u baahnayn xiddigo aan daalanayn”ayuu Klopp yidhi.
“Waxana ay qabteen shaqadii aan u diray, si wada jir ah ayaan u wada abuurnay arinta, wiilashu waxa ay la tababarteen koxda 1-aad waxana ay garanayaan waxa looga baahanyahay”.
Be the first to comment