Ma Ahan Xabi Alonso, Liverpool Oo Loo Sheegay Tababare Premier League Ka Shaqeeya In Ay Ku Badalaan Klopp.

Halyeyga Liverpool ee Bruce Grobbelaar ayaa u doortay Graham Potter dookhiisa tababarenimo si uu u qabto shaqada Liverpool shaqadana ka badalo Jurgen Klopp dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa ku dhawaaqay qorshihiisa uu kaga tagayo shaqada tababaranimo ee Liverpool usbuucii hore, iyadoo 56 jirkaan uu sheegay in tamar la’aan ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ka dambeeya go’aankiisa.

Waxa jirata tababarayaal lala xidhiidhinayo in ay buuxiyaan booska Klopp iyada oo cid walba fikirkooda ka dhiibanaya cida ay doonayaan in loo magacaabo taabbaraaha badali doona Klopp.

Goolhayihii hore ee Liverpool Grobbelaar ayaa rumaysan in Potter yahay tababaraha ugu fiican ee badali kara Klopp.

“Waxa aan ka hadlaynaa dhexdeena, xiddigihii hore ayaa Xabi Alonso u arka midka ugu fiican ee badali kara”ayuu u sheegay Virgin Media Sport.

“Laakiin haddii aad eegto tababare soo saara xiddigo da’yar ah waa tababare Graham Potter”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga