DEG-DEG: Liverpool Oo Ka Jawaabtay Dalab Looga Doonayo Xiddig Kooxda U Ciyaara.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday dalab looga doonayo saxiixa Goolhayaha Caoimhin Kelleher sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa la sheegayaa in ay heshay dalab lacageed oo dhan 15 milyan oo euro oo ay Nottingham Firest ku doonayso saxiixa Goolhaye Caoimhin Kelleher.

Wargayska Dailymail ayaa sheegaya in ay kooxda Nottingham Forest dalab 15 milyan ah miiska u saartay Liverpool si ay uga hesho saxiixa Caoimhin Kelleher.

Si kasta ha ahaatee Liverpool ayaa isla markiiba diiday dalabka iyaga oo u sheegay in uuna xiddigu iib ahayn maalinta ugu dambaysa suuqa.

Liverpool ayaa xiddiga u aragta mid muhiim u ah kooxda waxana waana sababta uu Klopp u diiday in uu iska fasaxo xiddig.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga