Lewandowski Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ka Dambaysa Hoos U Dhaca Qaab Ciyaareedkiisa.

Weerar yahanka kooxda  Barcelona, ​​Robert Lewandowski, ayaa shaaca ka qaaday sababaha hoos u dhca ku keenay qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan ee kooxda Barcelona.

Weeraryahanka reer Poland ayaa ku dhibtoonaya xilli ciyaareedkan Barcelona iyada oo ay gool dhalintiisu hoos u dhacday xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyaga oo leh 47 dhibcood.

“2023-kii waxaa jiray waqti aan dareemay daciifnimo, ma ahan oo kaliya maskax ahaan, laakiin sidoo kale jir ahaan, waxay u muuqatay in dhammaan waxyaabaha xun ay yimaadeen wax walba way is biirsadeen”ayuu Ku bilaabay hadalkiisa.

Lewandowski oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kadib Koobkii Adduunka ee Qatar, waxa aan sameeyay baadhitaano jireed iyo tababar shaqsi ah wakhtigeyga firaaqada ah, waxa ay ii noqotay mid fiican waxa ay sidoo kale iga siisay jawaabo badan oo ku saabsan xaaladayda jireed, waxa aan arkaa in aan hore u socdo. jir ahaan.”

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga