Darwin Núñez Oo Rikoodh Xun Ka Dhigay Premier League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Darwin Núñez ayaa loo diwaan galiyay rikoodh xun kulankii ay kooxdiisu ka badisay chelsea.

Darwin Núñez ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulanka inkasta oo uuna wax gool ah dhalin.

Xiddiga ayaa dhigay rikoodh xun intii ay socotay ciyaartu kadib markii uu dhawr mar garaacay birta goolka.

Darwin Núñez ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay tan ilaa 2003/2004 ee 4 jeer birta ku dhufta kubad kulan kaliya horyaalka premier League.

Sidoo kale Nunez ayaa 7 jeer birta kubada ku dhuftay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu 2 jeer ka badan yahay xiddigaha kale.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga