Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Inta Lagu Jiro Fasaxa Xulalka.

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay tababarka inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Xiddiga Diogo Jota ayaa ku soo laabtay tababarka kooxdiisa maalinta oo salaasa ah.

Jota ayaa kooxdiisa kaga maqnaa dhaawac muruqa ah oo uu kaga maqnaa kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku dhaawacmay kulankii Brentford ee bishii hore waxana la filayay in uu ku soo laabto tababarka ka hor fasaxa xulalka.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa la filayaa in uu wakhtigii la filayay ka soo horumaray waxana uu ka qayb qaatay tababarka fudud ee kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga