Real Madrid Oo War Xun Ka Heshay Xaalada Thibaut Courtois Ka Hor Kulanka Man City.

Thibaut Courtois ayuu dhaawac kasoo gaaray tababarka sida laga soo xigtay wargayska MARCA.

Goolhayaha weyn ayaa maanta dhameysan kari waayay tababarka, wuxuuna ka baxay xerada tababarka Real Madrid ee Valdebebas isagoo ooyaya Sida uu sheegay wariye Jose Felix.

Waxaa la sheegay in dhaawaca Courtois uu ka dhacay qeybta hoose ee jilibka, laakiin ma ahan isla goobtii uu ka dhaawacmay bilowgii xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa aad uga walaacsan goolhayahooda lagu kalsoon yahay maadaama uu maqnaan karo inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Dhaawacan ayaa niyad jab ku ah marka loo eego in la filayay in uu soo laabto kadib fasaxa xulalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga