Shaxda Ay Man United Ku Ciyaari Karto Hadii Uu Gareth Southgate Badalo Erik Ten Hag.

Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa si la yaab leh loola xiriirinayaa inuu Erik ten Hag ka bedeli doono Manchester United haddii la ceyriyo tababaraha reer Holland xagaagan.

Daily Star ayaa sheegtay in Sir Jim Ratcliffe uusan ku qancin Ten Hag inuu yahay ninka ku haboon inuu horay u sii wado Red Devils.

bilyaneerka INEOS ayaana Southgate u arka tababaraha badali kara Tababarihii hore ee Ajax.

Arintan ayaan u muuqan mid macquul ah laakiin Southgate ayaa diyaar noqon kara xagaagan haddii uu ka tago booskiisa xulka England marka uu dhammaado EURO 2024.

Haddii Southgate loo doorto tababaraha xiga ee Man Utd, sidee ayay Red Devils ku ciyaari doontaa.

Southgate ayaa la siin doonaa lacag uu ku xoojiyo kooxda waxana la saadaaliyay in uu saxiixiisa ugu horeeya ka dhigi doona Harry Kane.

Sidoo kale waxa shaxda ka soo muuqday Goolhayaha Everton ee Pickford iyo daafaca Everton ee Branthwaite.

Man Utd could fill up with England stars under Southgate

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga