Liverpool Mise Chelsea? Mauricio Pochettino Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Carabao Cup-ka

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa kulanka xiisaha badan ee final-ka Carabao cup-ka ee ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool.

Tababaraha kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa aaminsan in Liverpool ay tahay kooxda ugu cad cad ee ku guulaysan doonta koobka Carabao Cup.

Pochettino oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Xaqiiqdii Liverpool ayaa ugu cadcad, Klopp waa mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican adduunka, Haddii aysan ahayn kuwa ugu cadcad, ma nihin kuwa ugu cadcad. Kuwa ugu cadcad waa Liverpool. Waxay leeyihiin khibrad ay ku tartamaan”.

Pochettino ayaa hadalkiisa ku daray: “Ciyaartan oo kale, qaar ka mid ah ciyaartoydeena, waa Final-koodii ugu horeeyay, Klopp waxa uu sheegay in ay ciyaartu tahay 50/50 laakiin waxaan qabaa in Liverpool ay ugu cadcad tahay”.

Labada kooxood ayaa final-ka isaga hor imanaya kadib markii ay 3 sano ka hor ku kulmeen final-ka tartanka markaas oo ay Liverpool ku guulaystay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga