Ten Hag Oo Ka Warbixiyay Xaalada Rasmus Hojlund.

Tababaraha Man United Ten Hag ayaa ka warbixiyay Xaalada dhaawac ee weeraryahankiisa Rasmus Hojlund kaas oo dhaawacmay.

Hojlund ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay kadib kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Xiddiga da’yarka ah ee qaab ciyaareedka fiican ku jira ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka maqnaan doono muddo kadib dhaawaca soo gaadhay.

Ten Hag ayaa sheegay in uuna dhaawaca xiddigu ahayn mid halis ah laakiin uu garoomada ka maqnaan doono muddo.

“Waa dhaawac yar, ma ahan mid halis ah”ayuu Ten Hag yidhi.

“Waxa uu maqnaan doonaa muddo 2 ilaa 3 todobaad ah, waa halis in aanu ciyaarsiino kulamada”ayuu sii raaciyay.

“Rasmus waa in uu sugo muddo 2 ilaa 3 toodbaad ah si uu u soo kabsado”ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga