Hordhac: Man United Vs Fulham: Red Devils Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kulankan.

Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda Fulham kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Old Trafford.

United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha kala duwan ee horyaalka premier League.

Dhinaca kale Fulham ayaa doonaysa in ay joojiso guulaha kooxda Man United ee ugu dambeeyay.

Kulanka: Man United Vs Fulham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaan wax guuldaro ah la kulmin 16 kulan oo Premier league ah oo ay la ciyaartay Fulham tan iyo guuldaradii 3-0 ahayd ee ay marti ugu ahayd sanadkii 2009kii.

Guusha kali ah ee Fulham 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqatay Old Trafford waxa ay ahayd 3-1 sanadkii 2003dii.

Cottagers ayaa hogaanka u qabatay kulamadii horyaalka iyo FA Cup-ka ee ay martida u ahaayeen United xilli ciyaareedkii hore laakiin labada waa laga badiyay.

Manchester United ayaa badisay shan kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo bishii January sanadkii hore.

United ayaan wax guuldaro ah la kulmin 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League bishii February (17 guul iyo 9 bar-baro), guuldaradii ugu dambaysay ee bishan waxa ay ahayd lix sano ka hor.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga