Liverpool Oo Xasuuqday Brentford Xilli Ay Dhaawacyo Hadheeyeen.

Liverpool ayaa u suurtagashay in ay ka badiso kooxda martida loo ahaa ee Brentford, afar gool iyo hal, kulan ka tirsanaa horyaalka Ingiriiska.

Reds ayaa marti u ahayd kooxda London kulan ka tirsan wareegga 25-aad ee horyaalka Premier League.

Ciyaaryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez ayaa daqiiqadii 35-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda martida aheyd.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argentina Alexis McAllister ayaa daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay Reds.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 68-aad u suuragashay inuu udhaliyo Liverpool goolkii seddexaad.

Ciyaaryahanka reer England ee Ivan Toney ayaa daqiiqadii 75-aad ee ciyaarta goolka u dhaliyay kooxda Brentford.

Cody Gakpo oo bedel ku soo galay ayaa daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Reds.

Ciyaarta ayaa waxaa ku dhaawacmay Curtis Jones iyo Diogo Jota, kuwaasoo la bedelay qeybtii hore ee ciyaarta.

Guushaan waa guushii labaad oo xiriir ah oo ay Reds ka gaarto Premier League, ka dib markii ay 3-1 kaga badisay Burnley, wareegii ugu dambeeyay.

Guushaan muhiimka ah, Reds ka caawisay in ay dhibceheeda kor ugu qaado 57 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta koowaad ee kala sarreynta Premier League, 5 dhibcood ka hooseysa Man City

Dhinaca kale kooxda reer London oo leh 25 dhibcood ayaa weli ku jirta kaalinta 14-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League.

1 Comment

Dhiibo Fikirkaaga