La Ogaaday: Tababaraha Ay Xiddigaha Liverpool Doonayaan In Uu Noqdo Badalkiisa Klopp Oo La Ogaaday, Mana Ahan Xabi Alonso.

Ciyaartoyda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay garanayaan qofka ay doonayaan in uu badalo Jurgen Klopp, laakiin ma ahan Xabi Alonso.

Tan iyo markii uu Klopp ku dhawaaqay bishii January inuu ka tagayo Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaa sare u kacday hadal heynta ku saabsan cidda bedeli doonta.

Marka la eego guulaha uu tababaraha Jarmalku keenay Anfield sagaalkii sano ee uu ku sugnaa garoonka, waxay macno samaynaysaa in qaar ka mid ah tababarayaasha ugu fiican kubada cagta lala xidhiidhiyo booska banaan.

Tababarayaasha sida Roberto De Zerbi,Ruben Amorim, Julian Nagelsmann iyo Simone Inzaghi ayaa dhamaantood lala xiriiriyay si la mid ah xiddigii hore ee Liverpool Xabi Alonso.

Tababaraha ayaa ah midka ugu cadcad inuu bedelo Klopp, ma ahan kaliya xiriirkiisa Liverpool laakiin shaqada fiican ee uu ka qabanayo kooxda Leverkuesn.

Kooxda reer Germany ayaa haatan toban dhibcood oo nadiif ah ku haysa horyaalka Bundesliga, waxayna u muuqataa mid soo afjari doonta awooda Bayern Munich ee horyaalkaas.

Dhamaadka xilli ciyaareedka Alonso waxa uu Leverkusen ku hogaamin karaa horyaalka Bundesliga, Europa League iyo waliba koobka Germnay.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay khabiirka talkSPORT Alan Brazil, xiddigaha Liverpool ayaa doorbiday in uu badalka Klopp noqdo caawiyaha Klopp ee haatan Pep Lijnders.

“Waxaa la ii sheegay in ciyaartoyda ay doonayaan in caawiyaha Klopp ee Pep Lijnders uu noqdo badalka Klopp”.

Lijnders ayaa caawiye u ahaa Klopp tan iyo 2018, waana markii labaad ee uu kooxda la soo shaqeeyay ka dib markii uu la soo shaqeeyay Brendan Rodgers intii u dhaxaysay 2014 iyo 2017.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga