Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareega Semi-final-ka FA Cup-ka

Kooxda Chelsea ayaa afar gool iyo labo kaga badisay kooxda Leicester City oo marti u ahayd kana tirsanaa 8 dhamaadka tartanka FA Cup-ka.

Daafaca Marc Cucurella ayaa daqiiqadii 13-aad hogaanka u dhiibay kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Blue ku hogaaminayso.

Cole Palmer ayaa dhaliyay gool ka hor intii ayna dhamaan qaybta hore ee ciyaarta isaga oo soo baday rikoodhe uu khasaariyay xiddiga Raheem Sterling.

Qaybtii dambe ayay Leicester City si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 51-aad ayay Leicester Heshay goolka 1-aad waxana si khalda isaga dhaliyay xiddiga Axel Disasi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Leicester ayaa daqiiqadii 62-aad waxana u dhaliyay xiddiga Stephy Mavididi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Chelsea ayaa sii waday raadinta goolal kale oo ay doonayeen in ay ciyaarta ugu soo laabtaan.

Daqiiqadii 90+2-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Carney Chukwuemeka kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Xiddiga Noni Madueke ayaa daqiiqadii 90+8-aad dhaliyay goolka 4-aad waxana uu kooxdiisa sidaas ugu hogaamiyay wareega Semi-final-ka FA Cup-ka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga