Mbappe, Palmer, Todibo, Felix & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.

Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Shaqsiyaad sare oo ka tirsan Nice ayaa diyaar u ah inay Man United u diidaan saxiixa Jean-Clair Todibo inkastoo labada kooxood ay wadaagaan lahaanshaha Sir Jim Ratcliffe iyo INEOS (Insider Football).

Manchester City ayaa doonaysa in ay wadahadalo heshiis kordhin ah la furto goolhaye Ederson kaas oo ay laba sano uga hadhsan tahay heshiiskiisa Etihad Stadium ee uu todobaadkii ku qaadanayo 120 kun oo Gini (Daily Star).

Arsenal ayaa qarka u saaran inay soo afjarto xiisihii ay u qabtay weeraryahanka Brentford Ivan Toney waxayna taa beddelkeeda u dhaqaaqi doontaa Viktor Gyokeres (Insider Football).

Gunners ayaa sidoo kale rajeyneysa inay dib ugu soo celiso 25-kii milyan ee ay ka soo bixisay xiddiga Reiss Nelson kaas oo lala xidhiidhinayo Brighton (Insider Football).

Kooxaha Newcastle iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ku dagaalami doonaan saxiixa xiddiga Rayan Cherki oo ka tirsan Lyon (Fichajes).

Juventus ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddigaha Bayern Munich ee Leon Goretzka, Leroy Sane iyo Noussair Mazraoui (Corriere dello Sport).

Barcelona ayaa weli dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Feyenoord Mats Wieffer, kaasoo sidoo kale bartilmaameed u ah kooxda ay xifaaltamaan La Liga ee Atletico Madrid (AS).

Weeraryahanka Paris St-Germain Kylian Mbappe, oo 25 jir ah, ayaa sheegay in uuna ku biiri doonin kooxda Arsenal sababta oo ah waa meel aad u qabow (Mail).

Kooxda Chelsea ayaa kor ugu qaadaysa mushaharka xiddiga Cole Palmer si ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga 21 jirka ah (Star).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay amaah kale oo hal xili ciyaareedka ah kula wareegto xiddiga Joao Felix halkii ay toos ula wareegi lahayd (Mundo Deportivo).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga