Muxuu Van Dijk Ka Yidhi Guushii Kooxdiisu Ku Guulaystay Carabao Cup-ka

Kabtanka Kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisu ka gaadhay Chelsea.

Liverpool ayaa ku guulaystay koobka Carabao cup-ka kulan uu Van Dijk dhaliyay goolka guusha.

“Wax weyn ayay nooga dhigantahay ku guulaysiga koobka”ayuu Van Dijk ku bilaabay.

“Waxa aan ahayn koox da’yar ah oo u badan akademiyada waxana aan gaadhnay wakhtiga dheeriga ah, aad ayaan ugu faraxsanahay natiijadan”.

“Waxa uu ahaa kulan ku adag labada kooxoodba, waxa ay heleen fursado sidoo kale waxana aan anaguna helnay fursado”.

“Waa dareen cajiib ah in aan ku guulaysto koobkii ugu horeeyay aniga oo kabatan ah”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga