Klopp Oo Sharaxay Sababtii Kooxdiisa Ka Caawisay In Ay Garaacdo Chelsea.

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sababtii ay Reds guusha wayn uga gaadhay kooxda Chelsea.

Reds ayaa 4-1 kaga badisay kooxda chelsea kulan ka tirsanaa premier Legaue kana dhacay garoonka Anfield.

Klopp oo la hadlaya BBC Sport ayaa yidhi”“Bilawga waxa uu ahaa mid aad u fiican, waxa aanu dhalin karaynay goolal badan waxana ay ahayd in aanu dhalino goolal badan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ma dhalin kartid shan ama lix gool oo aad ka dhaliso Chelsea hadii aanad heer sare ahayn”.

Kooxda Liverpool ayaa dib u soo celisay dhibcaha ay ku hogaaminaysay horyaalka ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga