Jude Bellingham Oo Magacaabay SADDEXDA Ciyaartoy Ee Ku Xiga Ee Ku Guuleysanaya Abaal-marinta Golden Boy

Xiddiga Real Madrid ee Jude Bellingham  ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee isaga ku xigi doona ee ku guuleysanaya abaal-marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan da’yarta sannadka ee Golden Boy, taas oo bishii hore uu Jude Bellingham ku guuleystay.

Khadka dhexe England ayaa waxa bishii November noqday ciyaartoygii saddexaad ee Ingiriis ah ee ku guuleysta abaal-marinta Golden Boy, waxaanu raacay raadka sida Kylian Mbappe, Erling Haaland iyo Lionel Messi.

Jude Bellingham oo abaal-marintan ku mutaystay bandhig heersare ah oo uu xilli-ciyaareedkii hore kasoo sameeyey Borussia Dortmund iyo Real Madrid oo uu xilli-ciyaareedkan u noqday hoggaamiye, dhaliye iyo halbowlahooda khadka dhexe, ayaa Isniinta maanta la guddoonsiinayaa abaal-marinta, waxaana uu lasii hadlay warbaahinta isaga oo sii magacaabay saddex ciyaartoy oo abaal-marintan ku guuleysan doona.

Wargeyska Tuttosport ee bixiya abaal-marinta Golden Boy ayaa weydiiyey Jude Bellingham ciyaartoyda uu u malaynayo inay ku guuleysan doonaan abaal-marintan isaga dabadii, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aan sheegayaa saddex magac. Waxa ugu horreeya Arda Guler oo ah ciyaartoy layaableh, waxa aanu ku aragnay tababarka Real Madrid, dhamaantayana waanu ka helnay.

“Kaddib waxa ku guuleysan doona saaxiibkaygii hore ee Jamie Bynoe-Gittens oo Borussia Dortmund ah iyo ugu dambaynta walaalkay Jobe.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga