DHAMAAD!! Waqtigii Erik Ten Hag Ee Manchester United Oo Kusoo Ururay AFAR Ciyaarood

Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay sii gelaysaa xaalad murugo ah, waxaana xilli-ciyaareedkeedu ku xidhan yahay afar ciyaarood oo soo socda oo haddii ay natiijo fiican ka keeni waayaan ay uga dhamaatay xilli-ciyaareedka, isla markaana daawashadeeda ay dhibsan doonaan taageereyaasha kooxdu.

Sabtidii ayey Manchester United soo hoysay guul-darradeedii lixaad ee Premier League ee xilli-ciyaareedkan, waxaana 1-0 ku karbaashtay Newcastle United oo kala baxday booska kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League.

Red Devils ayaa waxa ay hadda gelaysaa jadwal adag iyo kulamo waaweyn oo iskugu xigaya oo lagu tilmaamay kuwa go’aaminaya xilli-ciyaareedka kooxda iyo mustaqbalka tababare Erik ten Hag intaba, waana Chelsea, Bayern Munich, Liverpool, Aston Villa iyo Tottenham oo ay Man United bil gudaheed waajahayso dhamaantood.

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville oo kabtanka kooxda la wareegay markii uu Old Trafford ka tegay Roy Keane, ayaa qirtay, in hadda uu dhibsado daawashada kooxdiisii hore, waxaana uu sheegay in ay uga dhamaatay oo aanu dhinacooda fiirin doonin wixii ka dambeeya ka dambeeya shanta ciyaarood ee kusoo aaddan ee ay rajadoodu ku xidhan tahay haddii ay guulo ka keeni waayaan.

“Run ahaantii waanu niyad-jabsanahay, waxaanu aad uga hoosaynaa halkayagii.” Ayuu Gary Neville ku bilaabay, waxaanu raaciyey: “Waxa aan dareemayaa in aanu ku jirno wareeg caddaalad ah, waxa aan isticmaalayaa kalmadda ‘annaga’ – waxa bilaabmaya sawaxanka tababaraha.

“Waxa kale oo jira sawaxan kale oo odhanaya, ‘Kama takhalusi karayno tababare kale, ma eryi karayno ciyaartooyo kale sababtoo ah iyaga ayaa ah kuwa tababareyaasha erya’.

“Kaddib waxay kusoo noqonaysaa mulkiileyaasha, aniguna waan ka caajisay. Run ahaantii waan ku daalay kooxdayda.”

Gary Neville waxa kale oo uu dad badan la qabaa dareenka ah, in kulamadani soo afjarayaan waqtiga tababare Erik ten Hag ee Manchester United oo la eryi doono macallinkan haddii ay ka badiyaan Bayern Munich oo sababi doonta inay ka hadhaan Champions League, Chelsea iyo Liverpool oo hoos ugu ridi doona kaalmaha hoose, halka Tottenham iyo Aston Villa ay quus aan laga soo kaban karayn ka dhigi doonaan haddii ay ka badiyaan United.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga