SAADAAL CUSUB: Supercomputer Oo Beddelay Saadaashiisii Premier League, Man United Oo Gelaysa Meel Aan Looga Baran, Booska Chelsea Iyo Kooxda Ku Guuleysanaysa EPL

Supercomputer ayaa saadaal cusub oo ka nixisay Manchester United ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu sawiray sida uu miiska kala-sarrayntu noqon doono maalinta ugu dambaysa ee lasoo gunaanadayo horyaalka xilli-ciyaareedlam 2023/24.

Supercomputer oo adeegsanaya mishiinka Bettingexpert ee ku shaqeeya hab-xisaabkeedak BETSiE ayaa waxa uu 100,000 jeer wareejiyey natiijooyinka kooxaha iyo saansaanta muuqata, kaddibna waxa uu sameeyey saadaasha sida uu noqonayo horyaalku dhamaadka xilli-ciyaareedka.

Xisaabta BETSiE waxay soo saartay, in Manchester City ay tahay kooxda horyaalka difaacanaysa ee markii afraad oo xidhiidh ah ku guuleysanaysa, waxaanay waliba heli doontaa 83 dhibcood iyadoo lix dhibcood ka hoosayn doonta intii xilli-ciyaareedkii hore ay ku qaadeen horyaalka.

Arsenal ayaa kaalinta labaad geli doonta xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah, halka Liverpool ay dib ugu soo laaban doonto tartanka Champions League ee ay sannadkan ka maqan tahay, waxaanay horyaalka Premier League kaga dhamaysan doontaa kaalinta saddexaad, iyadoo Newcastle soo geli doonta booska afraad.

Manchester United ayaa geli doonta waqti murugo oo horyaalka Premier League kaga dhamaysan doonta booskii ugu xumaa ee tan iyo markii uu horyaalku qaatay magaca Premier League sannadkii 1992kii, waxaanay Red Devils geli doontaa kaalinta 10aad, taas oo murugo iyo wax aan la qaadan karaynin ku noqon doonta Red Devils.

Booskii ugu xumaa ee Premier League ee ay Manchester United gasho waxa uu ahaa kaalinta toddobaad balse in ay Newcastle United 1-0 ku karbaashtay Sabtidii ayaa waxa ay ka dhigtay rajo la’aan iyo koox isku dhax-yaacsan oo aan la garanayn wax laga fisho.

Xataa Chelsea ayaa dhaami doonta Manchester United, sida ay muujinayso saadaasha Supercomputer, waxaana ay Blues soo geli doontaa kaalinta lixaad iyadoo hoos u ridi doonta Tottenham halka Aston Villa ay cidhiidhsan doonto kaalinta shanaad xilliciyaareedkan.

Heerka labaad ayay u dhici doonaan kooxaha Burnley, Luton iyo Sheffield United, sida uu Supercomputer ku sheegay saadaashiisa hase yeeshee Everton oo dhowaan laga jaray toban dhibcood ayaa badbaadi doonta oo kasoo bixi doonta khadka cas.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga