Barcelona ayaa guul muhiim ah ka gaartay Sevilla kadib markii ay 3–1 ku garaacday garoonka Ramón Sánchez Pizjuán, kulan ka tirsanaa toddobaadkii 7-aad ee La Liga. Guushan ayaa Barcelona ka dhigtay kooxda hoggaanka sii haysata horyaalka iyadoo gaartay 21 dhibcood.
Sevilla ayaa ciyaarta si fiican ku bilaabatay, waxaana Youssef Fofana uu daqiiqaddii 19-aad u dhaliyay goolka furitaanka, Barcelona ayaa jawaab degdeg ah bixisay, waxaana Raphinha uu laba daqiiqo kadib, daqiiqaddii 21-aad, dhaliyay goolka barbaraha. Xiddiga reer Brazil ayaa si fiican uga dhex baxay difaaca Sevilla ka hor inta uusan kubbadda shabaqa ku ridin.
Qeybtii labaad ayay Barcelona cadaadiska kordhisay. Daqiiqaddii 52-aad, Raphinha ayaa mar kale shabaqa taabtay, isagoo madaxa ku dhaliyay kubbad uu kasoo helay Lamine Yamal, taasoo Barcelona siisay hoggaanka 2–1, Raphinha ayaa bandhiggiisa dhameystiray daqiiqaddii 70-aad, markaas oo uu dhaliyay goolkiisii saddexaad ee ciyaarta, isagoo markale ka faa’iideystay caawinta Lamine Yamal. Sidaas ayuu ku dhameystay hat-trick, Barcelona-na waxay gaartay 3–1.
Dhanka kale, Barcelona waxaa qasab ku noqotay inay beddesho Andreas Christensen daqiiqaddii 58-aad kadib markii uu dhaawac soo gaaray, waxaana booskiisa galay Gerard Martín, Guusha kadib, Barcelona waxay gaartay 21 dhibcood oo ay ku sii haysato hoggaanka La Liga, halka Sevilla ay ku hartay 13 dhibcood.
Be the first to comment