Jude Bellingham Oo Dhigay Rikoodh Kulankii Girona

Jude Bellingham ayaa sii watay rikoorka jabinta rikoorka Los Blancos kadib markii uu labo gool ka dhaliyay Girona kulankii sabtida ay 4-0 kaga badiyeen horyaalka La Liga.

Kooxda Ancelotti ayaa Marti Galiyay kooxda mucjisada ee Girona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Los Blancos ayaa 4/0 ku xasuuqday kooxda Girona iyaga oo muujiyay awoodooda Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga Bellingham ayaa Dhaliyay laba Gool oo Ka mid ah goolashii ay Real Madrid dhalisay.

Goolkii 1-aad ee Bellingham ayaa ahaa goolkiisii 15-aad ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkan jabinayay rikoodhada waxana uu labada Gool ka dhigay Xiddigii Ugu Horeeyay khadka dhexe ee dhaliyay tirada intaas leeg ee goolasha.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga