5 Xiddig Oo Man United Ka Maqnaan Doona Kulanka Aston Villa

Manchester United ayaa laga yaabaa inay weyso shan ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah kulanka ay wajahayaan Aston Villa.

Erik ten Hag iyo kooxdiisa United ayaa u safri doona West Midlands kulan ka tirsan premier league.

Red Devils ayaa hadda ku jirta kaalinta lixaad ee kala sareynta horyaalka Ingariiska, iyadoo kooxda kasoo horjeeda ay hal boos ka sareyso.

Kooxda Ten Hag ayaa haatan ku jirta seddex guul oo xiriir ah tartamada oo dhan, waxaana ay aad u dooneysaa inay sii wadato Kulanka Aston villa.

si kastaba ha ahaatee, waxaa ka maqnaan doona dhowr ciyaaryahan oo muhiim u ah ciyaarta.

 

Lisandro Martinez ayaa dhawaan ku soo laabtay garoomada laakiin haatan waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa laba bilood oo dheeri ah,ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay 3-0 kaga badiyeen West Ham United.

Xiddigaha Aaron wan-bisaka, Tyrell Malacia, Mason Mount iyo Anthony Martial ayaa dhamaantood Seegi Doona Kulanka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga