Jens Lehmann Oo Arsenal U Sheegay Sababta Ayna Ugu Guulaysan Doonin Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Isagoo la hadlayay Daily Mail, Jens Lehmann ayaa yiri: “Mikel Arteta waxa uu qabtay shaqo wanaagsan, laakiin nasiib darro, waxaad la hadlaysaa nin jecel Arsenal, oo doonaya inay guuleystaan ​​ee ma ahan oo keliya inay halkaas joogaan”.

“Aad ayaan uga niyad jabay sida ay guuldarada kala kulmeen Bayern Munich Champions League, kadib, waxay muujiyeen falcelin weyn oo ay ku garaaceen Chelsea iyo Tottenham, laakiin si aad u noqoto koox weyn, waa inaad ku guuleysato koobab”.

“Aad ayay uga duwan yihiin kooxdii guuldaro la’aanta ku qaaday horyaalka, sida ay ciyaarta u bilowdaan, waa kuwo is ilaalinaya oo aan khamaarayn, jir ahaan waxa ay ordaan in badan laakiin uma ciyaaraan si ka fiican sidii aan u ciyaari jirnay”.

“Waxaan ahayn koox hal taabasho ah, laakiin iyagu waxa ay kubada taabanayaan 3 ilaa 4 jeer hadii aad tahay koox is ilaalinaysa kubada guuldaran kartid koobab, inta badan kooxaha geesiyaasa ah ayaa ku guulaysta horyaalka”.

“Waan jeclaan lahaa inay ku guulaystaan ​​horyaalka laakiin is ilaalintu waxa ay keentay in laga badaiyo kulamada qaar, 20 sano ayaa laga joogaa markii aanu ku guulaysanay horyaalka, waxaana rajaynayaa in Arsenal ay ku guulaysato laakiin hadda kuma jirto gacmahooda taasina waa daciifnimo”.

Arsenal ayaa ku qasban in ay badiso 3-da kulan ee u hadhsan horyaalka premier League isla markaas rajeeyaan in ay Man City dhibco lumiso si ay ugu guulaysato horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga