WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Yurub Oo La Soo Saaray

Magacyo iska cad ayaa maskaxdaada ku soo dhacaya marka aad ka fikirto ciyaartoyda ugu mushaarka badan Yurub.

Kylian Mbappe, Harry Kane, Kevin De Bruyne, Erling Haaland ayaa ah xiddigaha la filayo in ay kaalmaha hore ku jiraan.

Mbappe, oo 25 jir ah, waxa uu qaataa ku dhawaad ​​Seddex jeer daqliga ugu badan ee isboortiga, iyadoo xiddiga reer France uu bishii ka helo ku dhawaad ​​5.15 milyan ginni – taasoo u dhiganta £61.8m sanadkii.

Waxaa ku xiga weeraryahanka Bayern Kane, oo 30 jir ah, kaasoo mushaharkiisu yahay 1.8 milyan ginni – isagoo si dirqi ah ku garaacay labada ciyaaryahan ee Manchester City De Bruyne [1.73m] iyo Haaland [1.63m].

Laakiin had iyo jeer waxaa jira ciyaartoy la yaab leh oo ku jira 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan kubada cagta.

Kooxaha Real Madrid ayaa Liiska ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo 3 xiddig ku leh xiddigaha ugu mushaharka badan.

Kooxaha Man City,Man United iyo Barcelona ayaa dhinacooda ku leh min 2 xiddig halka kooxaha Atletico Madrid, Liverpool iyo Bayern ay min hal xiddig ku leeyihiin.

The highest-paid players in European football

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga