Taageerayaasha Man City Oo Magacaabay Kooxda Ay Doonayaan In Ay Ku Guulaystaan Champions League.

Manchester City ayaa soo gabagabaysay safarkeeda xilli ciyaareedkan Champions League. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa Dormund ku taageeraya in ay ku guulaystaan tartanka.

Taageerayaasha City ayaa doonaya in uu Marco Reus ku guulaysto champions League sabab la xidhiidha daacadnimada uu u muujiyay kooxda reer Germany.

“Reus waxa uu mar walba ahaa mid jecel Dortmund, wuu u qalmaa in uu ku guulaysto champions League”ayuu Taageere yidhi.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Reus ugu dambeyntii kor u qaadaya champions League, xaqiiqadii wuu u qalmaa”ayuu mid kale qoray.

“Marco Reus waxa uu u qalmaa ku guulaysiga koobka sabab la xidhiidha daacanimadiisa iyo nasiibkiisa xun”ayuu mid kale qoray.

“Dortmund waa in ay ku guulaysato si aan u arko Reus oo kor u qaadaya koobka”.

Marco Reus waxa uu u ciyaaray Dortmund 12 xilli ciyaareed wax koob ahna kooxda kulama guulaysan ilaa haatan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga