Tababaraha Ugu Cad-Cad In Uu Shaqada Chelsea Ka Badalo Mauricio Pochettino Oo La Ogaaday

Jose Mourinho ayaa ka mid ah shaqsiyaadka ugu cadcad inay noqdaan tababaraha xiga ee Chelsea iyadoo cadaadiska uu sii kordhayo ee Mauricio Pochettino.

Guuldaradii Chelsea ee 4-2 ee gurigeeda ay ku garaacday Wolves Axadii ayaa ahayd guuldaradii 10-aad ee kooxd soo gaadha horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Natiijadaas ayaa la macno ah in kooxda Pochettino ku jirto kaalinta 11-aad ee kala sareynta una dhaw inay u laabato heerka labaad marka loo eego booska afaraad.

Kadib natiijada Pochettino ayaa wajahaya cadaadis iyo su’aal laga keenayo mustaqbalkiisa kooxda chelsea iyada oo maamulka kooxdu ka fikirayaan in ay shaqada ka caydhiyaan.

Kadib cadaadiska saaran Pochettino, waxa jira liis tababarayaal u sharaxan in ay tababaraha reer Argentine ka badalaan shaqada Blues.

Sida laga soo xigtay BonusCodeBets, Tababarihii hore ee kooxda chelsea Jose Mourinho ayaa ugu cad-cad in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda chelsea.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga