Inter-Juventus: Kooxdee Ugu Cad-Cad Kulanka Adag Ee Ku Dhexmari Doona San Siro.

Kooxda Inter Milan ayaa garoonkeeda Stadio Meazza ku marti galin doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedka 2023-24.

Indhaha Taageerayaasha ayaa u jeedsan doona San Siro Axada, marka ay Inter wajihi doonto kooxda ay ku xifaaltamaan Serie A ee Juventus, iyagoo rajeynaya inay xaqiijiyaan guul u sahlaysa inay ku dhawaadaan ku guulaysiga horyaalka markii 20-aad ee taariikhdooda.

Iyadoo taageerayaasha iyo warbaahintu ay is waydiinayaan kooxda ugu cad-cad kulanka waxa la waydiiyay taageerayaasha in ay saadaaliyaan kooxda ugu cad-cad kulanka.

Dhinac marka la eego Inter ayaa ah mida ugu cad-cad in ay garaacdo Juventus maadama ay yihiin hogaamiyayaasha horyaalka sidoo kale waxa ay haystaan weerarka ugu fiican halka ay sidoo kale haystao daafaca ugu fician halka ay hal kulan oo baaqi ah dheeryihiin Juventus.

sidaas darteed haddii ay garaacaan Juventus Axadda, waxay afar dhibcood ka sarreey doonaan Juventus halka ay 7 dhibcood ka sarayn karto Juventus hadii ay badiso kulanka baaqiga ah.

Labada kooxood ee Inter iyo Juventus ayaa helay 13 dhibcood shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay horyaalka Seria A, laakiin halka Juventus ay barbaro 1-1 ah kula gashay Empoli garoonka Allianz Stadium kulankoodii ugu danbeeyay ee horyaalka, Nerazzurri ayaa ku garaacday Fiorentina.

Inter-Juventus ayaa sidoo kale noqon doonta kulan u dhexeeya daafacyada ugu fiican horyaalka. Yann Sommer oo Inter ka tirsan ayaa kaliya 10 gool laga dhaliyay 21 kulan oo uu ciyaaray, halka Juventus laga dhaliyay 13 gool 22 kulan oo uu ciyaaray Goolhaye Szczesny.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga