Cesc Fabregas Oo Digniin U Diray Arsenal Ka Hor Kulanka Liverpool.

Cesc Fabregas ayaa sheegay in Arsenal ‘aysan awoodin in ay dhibco kale lumiyaan todobaadkan marka ay la ciyaarayso Liverpool kulan premier League ah.

Arsenal ayuu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkeeda waxana ay lumisay dhibco horyaalka ah premier League taas oo keentay in ay hoos ugu dhacaan kaalinta 3-aad.

Fabregas ayaa Arsenal u sheegay in ayna awoodin in ay dhibco kale lumiyaan horyaalka premier League marka ay marti galinayaan Liverpool.

“Waa Koox da’yar ah, waa geesiyaal waxana ay doonayaan in ay badiyaan kulan kasta”ayuu Fabregas yidhi.

“Arsenal ma awoodo inay dhibco kale lumiso. Waa horraantii xilli ciyaareedka laakiin waa meesha aad ka bilaabayso inaad aragto ama aad dareento cidda ku guulaysan karta horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaa 5 dhibcood ka hoosaysa kooxda Liverpool ka hor kulankooda premier League ee ay wada ciyaari doonaan Axada.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga