Merson: Arsenal Ha Iska Ilowdo Horyaalka Hadii Halkan Arin Dhacdo Kulan Liverpool

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa digniin adag u diray xiddigaha kooxda Arsenal ka hor kulanka ay la ciyaari donaan kooxda Liverpool Kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa fiidnimada Axadda ee soo aaddan ku kulmi doona garoonka Emirates Stadium ee magaalada London, iyadoo Liverpool ay ciyaarta soo galayso ay ku hoggaaminayso 51 dhibcood, halka Arsenal ay ku jirto kaalinta saddexaad, iyadoo leh 46 dhibcood.

“Haddii Arsenal ay guuldarro kala kulanto Liverpool, taasi waxay la macno tahay inay ka hartay tartanka horyaalka, aniga ahaan, arrimuhu waxay soo bixi doonaan dhammaadka toddobaadka”ayuu Merson ku bilaabay hadalkiisa.

Hadalka Merson ayaa u muuqda mid macquul ah, maadaama guuldarada Arsenal ay sare u qaadi doonto farqiga u dhexeeya Gunners iyo Reds 8 dhibcood oo buuxda taas oo ay adagtahay in la soo yareeyo.

Halyeeyga Arsenal ayaa sidoo kale ka hadlay fashilka kooxdiisa ee ah in ay la soo saxiixato weeraryahan cusub inta lagu jiro suuqa January.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Ciyaaryahanka kaliya ee u dhawaa waxa uu ahaa Ivany laakiin hadii arintu la dhamayn waayo January 1, waxa ay u badantahay in aan waligeed la dhamaystirin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga