Ian Wright Oo Sharaxay Sababta Ka Dambaysa Murankii Dagaal Ee Dhexmaray Ben White iyo Oleksandr Zinchenko Kadib Guushii Arsenal Ee Nottingham Forest.

Ian Wright ayaa aaminsan in isku dhacii xalay dhex maray Ben White iyo Oleksandr Zinchenko ay ka dhigan tahay calaamad hubaal ah inaan gaareyno dhamaadka ganacsiga xilli ciyaareedka Premier League.

Arsenal ayaa laba dhibcood u soo jirsatay kooxda hogaanka haysa ee Liverpool, inkasta oo ay ciyaartay kulan dheeri ah ka dib markii ay 2-1 ku garaacday Nottingham Forest garoonka City Ground.

Xilli inta badan ee xiddigaha Arsenal ay u dabaal-dagayaan guusha kadib dhamaadka ciyaarta waxa la arkay xiddigaha Zinchenko iyo White ayaa la arkay iyaga oo isku dhacay kadib markii xiddiga reer Ukriane door ka qaatay goolkii ay Nottingham forest ka dhalisay gool.

“Sida iska cad waxa jira muran laakiin aniga waxa ay ii sheegaysaa in uu jiro dagaal”ayuu Wright ku bilaabay.

“Sida aan aragnay Zinchenko waa ciyaartoy qiiro badan waxana jirta in ay jirto sabab keentay muranka labada kooxood laakiin waa la xalin doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga