Mohamed Salah Oo Ka Farxiyay Taageerayaasha Liverpool Ka Hor Kulanka Arsenal

Mohamed Salah ayaa war fiican ka soo saaray xaaladiisa dhaawac ka hor kulanka premier League ee ay Liverpool la ciyaari doonto Arsenal Axada.

Salah ayaa wakhti hore ka soo laabtay koobka Africa kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii uu xulkiisu bar-baro 2/2 ah la galay xulka Ghana 18 bisha January.

Tababaraha kooxda Jurgen Klopp ayaa sheegay in uuna Salah taam u noqon doonin kulanka Arsenal ee Todobaadka dambe sabab la xidhiidha dhaawaciisa.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu soo dhigay baraha bulshada sawir uu tababar qaadanayo.

Xiddiga ayaa la arkay isaga oo qaadanaya tababar orod ah ka hor inta uuna ku soo laaban tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Liverpool ayaan wali tabin maqnaanshaha Salah iyada oo wada badisay dhamaan kulamadii ay ciyaartay xiddigeeda la’aantiis.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga