Hordhac: Burnley Vs Arsenal: Gunners Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kulankan

Kooxda Arsenal ayaa marti u noqonaysa kooxda Burnley kulan ka tirsan premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah isla markaas sii baacsato kooxaha ka horeeya.

Dhinaca kale Burnley ayaa doonaysa in ay joojiso kooxda Mikel Arteta.

Kulanka: Burnley Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00

Garoonka: Turf Moor

XAQIIOOYINKA KULANKA:

Guushii ay Burnley 1-0 ku garaacday Emirates Stadium December 2020 waa guushoodii kaliya ee 17 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Arsenal (4 barbaro, 12 guuldarro).

Waxa ay shabaqa soo taabteen sagaal jeer 17-kaas kulan, mana dhicin wax ka badan hal kulan, waa kooxda ugu badan ee ay koox kale wajahdo Premier League iyaga oo aan dhalin goolal badan.

Clarets ayaan wax guul ah gaarin 10-kulan oo ay garoonkeeda ku ciyaartay kooxda Gunners tan iyo markii ay 2-1 ku garaaceen 15-kii December 1973-dii.

Gunners ayaa u tartamaysa in ay badiso 5 kulan oo xidhiidh ah bilowga sanadka cusub markii ugu horaysay taariikhdooda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga