Hordhac: Brentford Vs Liverpool: Reds Oo Rikoodh Liita Ku Leh Kulankan.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Brentford kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Liverpool ayaa doonaysa in ay sii wado guulaha si ay u sii haystaan hogaanka premier League.

Brentford ayaa doonaysa in ay sii wado rikoodhka fiican ee ay ka haysato kooxda Liverpool kulamadii ugu dambeeyay.

Kulanka: Brentford Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30

Garoonka: Gtech Community Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa doonaysa in ay guushi saddexaad oo xiriir ah ka gaarto kooxda Brentford.

Kooxda martida loo yahay ayaan waligood guuldaro kala kulmin Premier League, iyadoo Bees ay 3-1 ku badisay xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa laba gool ka dhalisay lagana dhaliyay 7-dii kulan ee ay martida u ahaayeen Brentford.

Liverpool ayaa badisay shan ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.

Labadii guuldarro ee horyaalka xilli ciyaareedkan waxay labadooduba ka kala kulmeen kooxaha London: Tottenham iyo Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga